Barnaamijka Tababarka Macallimiinta
Uururka Gargaarka Geeska Africa (Horn of Africa Aid) wuxuu goor walba goobayaa waxbarasho tayosare leh in laga hirgeliyo iskoolladeeda kala dwan ee ku yaalla degaanno kala duwan oo ka tirsan Soomaaliya.
Hadafkan waxaa lagu xaqiijin karaa in macallimiinta iskuullada HAA la siiyo tababarro joogo ah oo ku saabsan habka wax barista casriga ah iyo hadba hannaanka iyo xirfadaha soo kordha ee laga heli karo dalka Soomaalilya
Sanadkii 2009 -ka wuxuu mashruuca tababarka macallimiinta ee eeHAA xoogga saarayey manhajka waxbarashada iyo qaababka waxbarista. Sanadkii 2010-ka wuxuu isna sidoo kale xoogga saarayey hal mawduuc. Mawduuca sanadkan wuxuu ku salaysnaa talo so ojeedinta ay sameeyeen macalimiinta iyo madaxda waxbarashada waxaana la dareeseeye fahmista koritaanka nafsiyad ahaaneed ee ubadka ilaa ay ka waynaadaan.
Laba tababar ayaa lagu kala qabtay Muqdisho iyo Boorama. Tababarka Muqdisho waxaa la qabtay 3-7 bishii Juulaay 2010-ka waxaana kasoo qaybgalay 30 macalliin oo ka kala socda iskuullada koonfurta Soomaaliya ee hoos yimaadda hay’adda Gargaarka Geeska Afrika.
Tababarka Boorama waxaa la qabtay 18kii -22kii Julaay 2010-ka waxaana ka qayb galay 26 macallin oo ka socda iskuullada hay’adda hoos taga ee ka jira Waqooyiga Soomaaliya.
Macallimiinta ayaa tababarka si weyn uga faa;iidaystay ugana qaybqaatay iyadoo warcelinta ay bixiyeen macalimiinta ay ka muuqatay sida ay ula dhaceen tababarka.
Short URL: http://www.somali.haaonline.org.uk/?p=4
Posted by admin
on Nov 14 2011. Filed under Tababarrada, Waxbarashada.
You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0.
You can leave a response or trackback to this entry