Deeqa Waxbarasho ee Horn of Africa Aid
Mashruuca deeqaha waxbarashada waa mid ka mid ay mashruucayada ugu muhiimsan ee ay hay’adda Horn of Africa Aid fuliso. Mashruucan waxaa loogu tala galay ardayda aqoontoodu sarreyso balse aan waxbarashada sare sii wada karin duruufo dhaqaale awgeed. Mashruuca wuxuu sidoo kale qayb ka yahay kobcinta awoodeed oo la soo samaynayo shacabka Soomaliyeed.
Mashruucan waxaa ka faa’iidaysta arday Soomaliyeed oo gabdho iyo wiilal isugu jira kuwaasoo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa laga siiyo deeq waxbarasho oo weliba xoogga lagu saarayo takhasusaadka cilmiga ah ee aad loogu baahan yahay. Ardaydu waxay isugu jiraan kuwo heerka koowaad ee jaamacadda ah ama degreega iyo kuwa kale oo heerka labaad aha mastarka iyo daktoorada dhiganaya.
Hay’adda waxay ardaydan u dirtaa dalalka kala ah Kenya, Ugaandha, Suudan, Malaysiya iyo dalal kale. Si loo dhawro cadaallada waxaa ardayda loo sameeya ogaysiis ay kusoo dalban karaan deeqdan iyadoo markaa ka dibna ay guddi ka kooban qaybo kala duwan ay wareysiyo iyo imtixaanno ka qaadayaan si loo doorto ardayda ugu mudan deeqahan
Short URL: http://www.somali.haaonline.org.uk/?p=10